milgo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh milgo

cantatab [m.l]
1. (-byo, m.dh) Qof aad u da'weyn oo caqligiisu doorsoomay. 2. C. ah: hadal aan milgo lahayn oo cabsi, argagax iwm keenaan. ld catatab¹.

cilaaq [m.dh]
1. ld ilaaq. Hadal aan milgo lahayn oo iska muran ah. 2. Saxaro.

hantaatac [m.l]
Hadal aan milgo lahayn. ld hantatac¹.

hantaatac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -tici)
Hadal aan milgo lahayn sheegid.

milgee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
1. Cid xurmeyn. 2. Hadal asluub u yeelid. 3. Shabaag qaab milgo ah u sameyn. 4. Ceel miileyn.

milgeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.

quluud [m.dh]
Ulajeedo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti; xallad; milgo.

mil [Magac Lab | Noun Masculine]
Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.

mil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg