milki
(Magac Lab | Noun Masculine)ld mulki¹.
milki
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)ld mulki².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh milki ↴
qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
booli [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Hanti qof lahaa oo qof kale si sharci darro ah u milkiyo.
booli [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lyay, -liday; -lyi)
Hanti qof lahaa, qof kale si sharci darro ah ku milkiyid.
milkiyid [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld mulkiyid.
mulki [m.l]
1. Maal aad u badan. 2. Hantida qof leeyahay. ld milki¹.
mulki [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, iday/-isay)
Hanti la wareegid. ld milki².
mulkiyid [m.f.dh]
eeg mulki². ld milkiyid.
sii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Qof wax milki uga dhigid. 2. Qof wax u dhiibid.
mil [Magac Lab | Noun Masculine]
Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
mil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.