mindi
(m.dh) (-iyo, m.l)Shay bir ah oo ka mid ah qalabka guriga looga adeegto, oo leh af wax lagu gooyo iyo daab la qabsado. ld middi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mindi ↴
maacuun [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qalabka jikada looga
adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida
suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm. suxuun, digsiyo, mindiyo
gaalleef [m.dh] (-ffo, m.)
1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.
saawir [m.dh] (-ro, m.l)
S. ah: mindi ama bir kale oo aan wax goyn oo af-beeshay.
awlax [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Mindi aad u weyn o geela lagu qalo. 2. Jaad warmaha ka mid ah.
beynaad [m.dh] (-do, m.l)
Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.
biree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
daliiq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Caw, maqaar iwm kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iwm si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iwm galka ka saarid.
dhuxun [m.l]
Dhagax gaar ah oo badanaa guduudan oo xanaf leh oo mindiyaha iwm lagu afeeyo; lisin.
gawrac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Neef si loo xalaaleeyo hilibkiisa, cunaha mindi kaga jarid; gowrac, biray.
girgir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Wax wareegsan afkiisa sare. 2. Mindi dhankeeda aan wax goy.
min [m.l] (-nan, m.l)
1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. ld minan.
min [Falkaab | Adverb]
Midkiiba. Tus. “Nimankan min kun shilin sii”.