mingis
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mingis ↴

yabaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).

abaaseere [m.l]
Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.

aw-daare [m.l]
Ciyaar leh sida mingiska, rooxaan dadka ku soo degta; degaanka webiyada ayaana laga yaqaanaa; mokhoddon; gunjis.

calaqad [m.l] (-dyo, m.dh)
Nin madax ka ah ciyaarta mingiska.

calaqad [m.dh] (-do, m.l)
Haweeney madax ka ah ciyaarta mingiska.

darmaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba.

darmaan [m.dh] (-no, m.dh)
1. Ubad fardood oo dheddig. 2. Qof dumar ah oo qaba mingis.

fariisin [m.l]
1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².

muul [m.l] (-lal, m.l)
1. M. ah; wax badan. 2. M. ah: wax, wax ugu wanaagsan. 3. Qof mingis laga tumayo, ciyaaraha loo ciyaaro middooda saddexaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg