mintid
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. ld mitid 1. M. ah: qof wuxuu qabanayo si naftihurennimo ah u qabto. 2. ld mintidid.

mintid
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Hawl si naf-hurnimo ah u qabasho. 2. Ku m.: wax in aysan gacantiisa ka bixin ku dadaalid (qof). ld mitid².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mintid

dheggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax meel ku naban ahaansho. 2. Ku dh.: aad ugu mintidid (diin, ra'yi iwm).

gag [m.dh]
1. (sh.r) cod lagu muujiyo jug xoog leh. 2. G. ah: qof mintid ah oo gacan'adag.

harjad [m.l]
1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah. 3. ld harjadid.

harjad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qof sakaraad hayo rafasho. 2. Qof mintidnimo dheeraad ah muujin.

mintidid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg mintid². ld mintid¹, mitid¹, mitidid.

mintidnimo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Mintid ahaansho. ld mitidnimo.

mitid [Magac Lab | Noun Masculine]
ld mintid1. ld mintidid.

mitid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
ld mintid².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg