miran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Qof roob ama col miray ahaansho. 2. Qof ama wax la miray ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miran

cammiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la cammiray ahaansho (dukaan).

mirnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miran. ld mirnaansho.

mir [Magac Lab | Noun Masculine]
Wax tiradoodu hal tahay.

mir [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. Falalka habeenkii dhaca ama la sameeyo. 2. Habeen. 3. Roob habeen da'a. 4. Daajinta geel habeen la daajiyo.

mir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iwm habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iwm oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg