miro
(m.l.u >)1. Timaarta dhirtu dhasho. 2. Xabuubka beeraha ka baxa. 3. Tix ay heesi ka koobantahay. 4. Lohod iwm.
miro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)1. (f.g) Xoolo kale ka soocasho. 2 (f.mg) Xoolo habeen daajisasho. 3. (f.mg) Xoolo habeen daaqid.
Kaamiro*
Aalad wax sawirta. Kamarad.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miro ↴
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la
cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla
markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
idiyaalismo [m.dh]
Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka “L”.
naajax [m.l]
1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.
ontorro [m.dh]
(bot.) Geed weyn qodax lahayn, hoos fiican, oo leh miro kulkulucsan oo macaan. ld hontorro.
qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.
raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
tacabkhasaaro [m.dh]
Dadaal miro dhalin la'aan.