mise
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. Isku m.: isku mid. 2. M. haaga miihi: kula mid miihi. ld mase¹.

mise
(xi.we)

ld mase².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mise

ma [x.i] Mase: ama
ld mise. mise

himise [m.l]
Iftiinka liciifka ah ee qorrax soo baxa iyo qorrax dhaca.

mase [m.l]
1. ld mise 1. Laba wax ama ka badan oo isku mid ah ama isu dhigma. 2. Sinnaan.

mase [xi.we]
(nax.) Eray lagu xiriiriyo labada dhinac ee weyddiinta. Tus. “Ma midigta mase waa bidixda?”, “Cali mase Faarax?”. ld mise².

masee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
ld misee.

maseyn [m.f.dh]
ld miseyn.

misee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Laba wax ama ka badan mase ka dhigid. 2. Ku m.: wax, wax ku matalid. ld masee.

miseyn [Magac Dheddig | Noun Feminine]
eeg misee. ld maseyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg