misig
(m.dh) (-sko, m.l)Xubinta u dhexayso bawdada iyo lafdhabarka xaggeeda hoose; sin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh misig ↴
gacanjiiddo [m.dh]
Cad hilib ah oo yaalla lafdhabarka, misigta korkeeda.
gojilic [m.l]
Meesha u dhexeysa feercalaanta iyo misigta ee jirka dadka iyo xoolaha.
halbowle-bawdeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Halbowle ka soo baxa halbowle diba-deedka misigta, wuxuuna waraabiya muruqyada bawdada.
hays [m.l]
Meel godan oo kuruska iyo misigta geela u dhexeysa.
lafdhumuq [m.dh]
(c.nafl.) Meesha misigta iyo bowdadu iska galaan.
takoorin [m.l]
Lafta misigta madaxeeda.
wiiq [m.l]
1. Bowdada madaxeeda misigta ku jira. 2. Misiqta fiiqeeda.
wil [m.l]
1. Dharka dumarku xirtaan nooc ka mid ah oo khafiif ah. 2. Halka ay iska galaan misigta iyo bawdada. 3. Isha birteeda.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg