miyir
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. Kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto, caqli; maan. 2. Digtoonaan iyo isjirid wax lagu qabto si aan wax dhibaato keena u dhicin, degganaan, xasilloonaan. 3. ld miir 1 (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miyir ↴

maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.

maandoorsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax miyirkii ka lumay ahaansho (qof).

aayar [m.dh.fk]
Si deggan oo miyir leh. ld aad yar, aadyar.

dawo-suuxin [m.dh] (-ooyin suuxinta, m.l)
(daaw.) Dawo yareysa ama baabi'isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid.

gaggab [m.l]
1. Kufidda iyo miyirbeelidda uu dhaliyo nabar surka ku dhacay. 2. Xanuun surka culaysiya. 3. ld gaggabid.

gaggab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Nabar surka ku dhacay la miyir beelid. 2. Xanuun surka culaysiya dareemid.

gaggabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid, nabar ay la miyir beesho surka kaga dhufasho.

jidbo [m.dh]
(dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.

kul-dhibib [m.l]
(daaw.) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.

miir [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Wax la miiray. 2. ld miyir. 3. ld miirid¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg