moho
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-hday, -hatay)

ld muho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh moho

oogo-dhul [m.dh] (-ooyin-dhul, m.l)
1. (jool.) Qaybta adag ee qolofta dhulka, taas oo ku kala fidsan gun gaaraysa ilaa iyo 65 Km. (40 mayl) ka hos dhulka dushiisa. 2. (jool.) Qaybta u serraysa dhulka ee ka sarraysa xarriiga moho, garadeeduna waa 8 ilaa 40 km. badanaa waxay ka koobantahay dhadhaabo shiileed.

carrojiif [m.l]
(jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.

mohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qiyaas nus jawaan dhan oo lagu cabbiro dalagga beerta. ld mohoor.

mohoor [Magac Lab | Noun Masculine]
ld mohorad.

mohorad [m.dh] (-do, m.l)
Kiintaal la kala baray barkii. ld mohaar, mohoor.

mohosho [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld muhasho.

muho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-hday, -hatay)
1. Wax ku hungoobid. 2. U m.: cid ama wax kalgacayl ama rabid u qabid; uurka wax ka doonid; wax laabraacid. 3. U m.: khatar uga baqid (cid). ld maho, moho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg