mood
(Magac Lab | Noun Masculine)1. Maalka inta aan xoolaha nool ahayn. 2. Meyd.
mood
(Magac Dheddig | Noun Feminine)Qorraxdu marka ay soo baxayso fallaaraheeda caadka qabta ee midabka quruxda badan yeesha.
mood
(e.d >)Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu yiraahdo; raag!.
mood
(Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1) (-day, -dday)1. (f.g) Wax meel dhaafid. 2. (f.lg) Si gef ah wax, u qaadasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mood ↴
qaac [m.l]
Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. ld qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹.
qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
taakiso [m.dh]
Jaad diir diirta ka mid ah oo la moodo markay soconayso inay wax taakinayso.
uurkummaanle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
xajiimood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg xajiimoo.
xamaarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inteeda xamaa-rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag-gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).
afardhegood [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Sagaarada lab ee kolkaas u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la moodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.
balaasmoodiya [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Qayb ka mid ah borotosowa oo ku dul nool unugyada cascas ee dhiigga iyo unugyada beerka ee dadka.
balaasmoodiyam [m.l] (-yo, m.l/dh)
(baay.) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.
bid [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax dan moodid. 2. (f.g) Cid wax ku tuhmid. 3. (f.mg) Wax dabayl raacid..