moos
(m.l) (-sas, m.l/-syo, m.dh)1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo. 2. Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada. 3. Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan.
moos
(m.l) (-sas, m.l/-syo, m.l)1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).
moos
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)1. Dhis ama dhoobo beer iwm biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh moos ↴
diiro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
jeerin [m.l]
(bot.) Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.
kar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho.
moosan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la moosay ahaansho.
moosasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg mooso.
moos-bukeeni [Magac Lab | Noun Masculine]
Moos waaweyn oo marka la kariyo la cuno.
moosdameeri [Magac Lab | Noun Masculine]
Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.