mooti
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax meel dhaafin ama gudbin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mooti ↴
qaalmooti [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Neef irmaan oo caano yareeyey ahaansho.
qaalmootin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaalmooti. ld qaalmootis.
qaalmootis [m.l]
ld qaalmootin.
bikaaco [m.dh] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
dammooti [m.dh]
ld tammooti.
dhalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
kulgudbin [m.dh]
(fiis.) Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is-hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
mootin [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(fiis.) Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.
qarsho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. ld qarshad.