moqor
(m.l) (-rro, m.dh)1. Dalool yar oo jirridaha dhirta waaweyni yeelato oo kolkii biyaha roobku galaan dhuuno lagaga cabbo. 2. Dululaati hulan oo ku dhex jira jidh adag. ld maqoor.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh moqor ↴
ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
qaaxo [m.dh]
(c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.
ugxanayn [m.dh]
(baay.) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
cadwoob [m.l]
(baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
cod [m.l] (-dad, m.l)
(nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
dhuux [m.l]
(c.nafl.) Nudo jilicsan oo ku yaallo moqorka dhexe iyo meelaha bannaan ee gudaha lafta. Markay dhashaan iyo markay yaryihiin xayawaanku dhuuxa lafahooda oo dhami waxa uu sameeyaa unugyada dhiigga.
jidhka Golji [m.l]
(baay.) Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay ku wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.
maqoor [m.l]
ld moqor.
maqooro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
ld moqorso.