moxog
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. Dhabarka dadka intiisa hoose. 2. ld moxoggo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh moxog

sabar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Dulqaad. 2. (-rro, m.dh) Jirka dadka, qaarka sare iyo qaarka dambe inta u dhexeysa; moxog. 3.(-rro, m.dh) Buur salkeed. ld sabbur¹, sabir (2), samir¹.

geestaan [m.dh]
(daaw.) Xanuun laga dareemo dhabarka oo raaca dhinaca bowdada, lugta iyo cagta. Waxaana keena cadka labada laf-dhabar ku dhexjira oo qallala ka dibna meeshiisa ka baxa oo ruxa xididdada dareenka e ku yaal moxogga hoose ama araxda sar.

laf-arax [m.dh]
(c.nafl.) Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.

moxoggo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. (bot.) Geed la beero oo xididdo buruq waaweyn oo dhulka ku xabaalan, dad iyo duunyaba way cunaan, bur wanaagsanna waa laga sameeyaa. 2. ld moxog (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg