muc
(Magac Dheddig | Noun Feminine)

1. Xudun. 2. Hadalka muxurkiisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muc

baahan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-hnaa, -hnayd)
1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.

aayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.

baaho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-hday, -hatay)
1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan.

dhumuc [m.dh]
Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.

gumuc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. ld gumac.

macaawino [m.dh] (-ooyin, m.l/-naad, m.l/dh)
Kaalmo; taageero. ld macaawinad, mucaawinad, mucaawino.

malabcir [m.l]
(dii.) Cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey.

maris [m.l]
1. Saabuun m. ah: saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo. 2. Shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iwm. Waris, buli, shimbir malab. 3. ld marin².

maxdin [m.l] (-nno, m.dh)
Labo dhagax oo mid fidsanyahay kan kaleetana mucdanyahay oo badarka lagu riqdo, iyadoo labada dhagax laysku rugayo; shiid. ld mixdin.

micaahido [m.dh] (-ooyin, m.l)
Heshiis laba dhinac kala saxiixdaan. ld macaahado, mucaahado.

m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg