mudid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg mud. ld mudniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mudid

tafaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Wax mudid (qodax).

amaamudid [m.f.dh]
eeg amaamud². ld amaamud¹ (3).

cirbad-durid [m.dh]
(daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.

dar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

dareen-xanuun [m.l] (-eemo ..., m.l)
(daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.

dhaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qof, bir, iwm dhulka xoog ugu mudid si uu u xajiyo dhismo iwm.

dhaabdhaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax, wax kale xoog ugu mudid.

dur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.

falnaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.

gacandur [m.l]
(daaw.) Mudidda xididdada dhiigga celiya midkood (aroore).

mud [Magac Lab | Noun Masculine]
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).

mud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg