mug
(m.l)

1. Weel ama wax kale oo gudo leh, inta qaadkiisu le'egyahay. 2. Inta shay gudo leh buuxin karta. 3. Kol; mar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mug

qaad [m.l]
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.

adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
1. (fiis.) Maatarka saddexdiisa qaybood middood oo leh mug iyo qaab go'an, iskana caabida xoogagga qaabkeeda beddelaya. 2. (xis.) Shaxan joomaterikaad oo saddex aaddimood leh. 3. (xis.) A. lix salaxaale: shaxan adke ah oo leh lix weji oo barbarooleyaal ah. 4. (xis.) A. uumiyoobe: wejigeddoonka adkuhu ku noqdo neef isaga oo aan marka hore dhalaalin.

afarqaad [m.l]
1. Orod xawli ah oo addimada hore iyo kuwa dambe kuwaba mar la qaadayo. 2. Wax muggiisu qaado afar shay.

barqiirqiir [m.dh] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.

bikil [m.l]
Inta weel qaado; mug.

buux [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.

buuxdhaaf [m.l]
1. Wax muggooda, inta dheeraadka ku ah. 2. ld buuxdhaafid.

buuxdhaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Wax muggooda in ka badan lagu shubay noqosho.

buuxdhaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax muggiisa in ka badan ku shubid.

buuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.

m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg