muluq
(m.l) (-lqo, m.l/muluq, m.dh)Ilmo da'diisu ka yartahay (6) lix bilood; murjuc.
muluq
(m.dh)1. Qof qaawan; murduq. 2. Qof wixii uu lahaa ama haystay laga wada qaaday.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muluq ↴
jiiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Si wax caloosha ku jira (saxro ama muluq) la isaga saaro muruqyada caloosha adkayn.
muluqmuluq [m.dh]
1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.
muluqmuluqlayn [m.f.dh]
eeg muluqmuluqlee.
muluqmuluqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Muluqmuluq samayn.
murjuc [m.l] (-cyo, m.dh)
Ilmo yar oo markaas dhashay; muluq. ld murjuq, murjux.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg