muqaddas
(m.l)

1. (dii.) Waxyaabaha diinta la xiriira oo la dhowro ee aan dhaliil laga bixin karin, sida quraanka iyo xadiiska. 2. (dii.) Meel Eebbe lagu caabudo. 3. Waajib ay khasabtahay in fuliyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muqaddas

baaybal [m.l]
(dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.

carshi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.

kabco [m.dh]
(dii.) Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tuka-nayaan, oo Maka ku yaal. ld kacbo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg