muquuno
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Xoolo aan qiimo lahayn oo cid deeq ahaan loo siiyo. 2. Khasab, sandullays. ld maquuno.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muquuno

maquuno [m.dh]
ld muquuno.

matatari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo muquuno ah cid siin. 2. Nafley meel aan laga arki karin gelin. 3. Isku m.: meel ciriiri ah si dhib iyo xoog leh ku dhexgelin (nafley).

maydhaan [m.l]
1. Xoolo la xaday oo xoolo kale lagu lagu badasho si loogu raadgado. 2. Muquuno wax ka qiimo badan lagu beddesho. 3. ld maydhaamid.

maydhaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-amay, -aantay; -aami)
1. Wax muquuno ah, wax wanaagsan ku beddelid. 2. Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid, si loogu raadgado.

quur [m.dh]
1. Qiimaha iyo sharafta wax leeyihiin ama ku haboon yihiin ama ay istaahilaan oo loo diido. 2. Wax aan qiimo lahayn ama muquuno ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg