naq
(m.l)

1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.

naq
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-qay, -qday)

1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naq

daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir

gaahi [m.dh]
Meel aan naq lahayn, oomanana ah oo aan cidi joogin. ld gahayr¹ (4). gahayr

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

laac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iwm deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.

xabawar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Xoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.

xamdi [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin.

xamdinnaq [m.l]
eeg xamdi¹.

xamdinnaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
eeg xamdi².

xamdinnaqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xamdinnaq².

abnaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(xis.) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg