naqdi
(m.l)

1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. ld naqad.

naqdi
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iyay, -iday, -iyi)

Wax wanaaggiisa ama dhaliishiisa sheegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naqdi

naqad [m.l]
Lacag caddaan ah. ld naqdi¹ (2).

naqdiyid [m.f.dh]
eeg naqdi².

naq [m.l]
1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.

naq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg