nasi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Cid hawl muddo gaaban ka fadhiisin si daalku uga ba'o.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nasi ↴
saancaddaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. ld saancad (1).
saancaddo [m.dh]
Tagxumo; nasiibdarro. ld saancad (2).
xabawari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.
asbax [m.l]
A. ah: qof aan nasiib wacan lahayn.
ayaan [m.l]
Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.
ayaandaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof aan nasiib wanaagsan lahayn ahaansho.
ayaanlaawe [m.l]
Nin aan nasiib wacan lahayn.
ayaanle [m.l]
Nin nasiib wacan leh.
ayaanxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
Qof aan nasiib wacan lahayn ahaansho.
bacaw [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-wyo, m.dh)
Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.
na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus.
“Idinkaa na siiyay buuggan”.
na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba
tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana
demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la
siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.