naxaas
(m.dh)

(jool.) Macdan adke ah, dhulka laga qodo, leh midab cagaar ah, dusha lagaga dahaadho xadiidka si uu mirirka uga ilaaliyo, lagana sameeyo qalab badan oo la adeegsado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naxaas

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

unugga Daaniyal [m.l]
(fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.

fiilo [m.dh]
1. Daliigo bir ama naxaas ama macdan kale ka samaysan oo korontada la raacsiyo. 2. (muus.) Xargaha shareerada.

rasaas [m.dh]
1. Xabbad. 2. Macdan ka samaysan naxaas iyo maar. ld risaas.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg