naxdin
(m.dh)

Dareen cabsi ku jirto oo qof ku dhacda marka uu la kulmo waxyeello aanu filanayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naxdin

uu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm.

waawaray [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.

argaggax [m.l]
1. Naxdin iyo cabsi weyn o qofka degganaanta ka lumisa. 2. ld argaggixid.

argaggixiso [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.

bardad [m.l]
Cabsi iyo naxdin weyn oo qofka ka lumisa is hanashada. ld barkad¹, barkag¹, berded¹, berkeg¹ (2).

biriir [m.dh]
1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo'ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. ld bariir.

erey-dareen [m.l]
(nax.) Cod muujinaya hadlaha shucuurtiisa sida yaab, naxdin farxad iwm. Tus. “Ba'a!”, “Alla hayow!”.

gariir-cabire [m.l]
(jool.) Aalad lagu kaydiyo naxdinta dhulgariirk.

hambabar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid.

jaree [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg