naxwe
(m.l)

1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naxwe

icraab [m.dh] (-bo, m.l)
(nax.) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.

icraab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
(nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi. icraabi

cayn [m.dh]
(nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.

dirayn [m.dh]
(nax.) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.

fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.

kays [m.l]
(nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.

qayb [m.dh]
(nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba.

tiro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).

nax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xtay; -nixi)
1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof wax wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg