nayl
(m.l) (-lo, m.l)Maqasha idaha keeda lab.
nayl
(m.dh) (-lo, m.l)Maqasha idaha keeda dheddig.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nayl ↴
qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
uduufaa [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.
baraar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.
birimbirqo [m.dh]
Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.
delta [m.dh]
(juqr.) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed.
dhamiijo [m.dh]
Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo.
garnayl [m.l] (-llo, m.dh)
Bambo yar oo gacanta lagu tuur.
kornayl [m.l] (-llo, m.dh)
Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
layloon [m.l]
Dhar jilicsan, qafiif ah, jirku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. ld nayloon.
na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus.
“Idinkaa na siiyay buuggan”.
na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba
tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana
demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la
siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.