orod
(m.l)

Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor.

orod
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rday, -rodday; -rdi)

Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh orod

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab

eeraan [m.l]
1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.

gaaddabbuur [m.l]
1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.

gaalib [m.l]
Nooc fardaha orodkooda ka mid ah.

gaalib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Faras orod aan dheerayn samayn.

laal [m.l]
Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.

ordid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg orod².

ordisii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld orodsii.

or [m.l] (orar, m.l)
Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.

or [m.l] (orar, m.l)
1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg