qabatin
(m.l)(c.nafl.) Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa.
qabatin
(m.dh)1. Xanuun mar mar dadka qabta; eyddin; nabar. 2. Tabta awrku wax u qabto. 3. ld qabatimid. Wax loo barto, la qaayibo. 4. Wax sameyntooda loo bartay. 5. ld qabasho.
qabatin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1)(imay, -intay; -imi) Meel nolosheeda u barasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabatin ↴
caag [m.l] (-gag, m.l)
1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
uskag-galeen [m.l]
Jir dad meesha wasakh qabatinka leh.
baldhoole [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
biyadhac [m.l]
1. ld biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iwm ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. ld biyadhicid.
biyafariisin [m.l] (-nno, m.dh)
Dhul godan oo biyo qabatin leh. ld biyafariisad.
biyaggaleen [m.l] (-nno, m.dh)
Meel godan oo biyo qabatin leh.
biyaqabatin [m.l] (-nno, m.dh)
Meel godan oo biyuhu fariistaan. ld biyaqabad.
caloolmajiir [m.l] (-ro, m.dh)
(daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
caloolqabasho [m.dh]
Xanuun qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun. ld caloolqabad.