qabri
(m.l) (-iyo/qubuur/qabri, m.dh; qabuuro/qubuurro, m.l)

1. Godka meydka la gesho oo lagu aaso; xabaal. 2. Q. ah: qof calool adag oo aan sir iwm ka bixin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabri

xabaalaqode [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.

agas [m.l]
Cunto la siiyo dadka aasaya qof dhintay oo qabriga lagu dul cuno.

bud [m.dh]
1. Ciidda la tuuro qabriga dushiisa oo calaamad u ah. 2. Iil. 3. B. soo dheh: soo bixid (qorrax, dayax iwm).

dahar [m.l]
(dahar, m.dh) 1. Geed weyn oo harac ah. 2. Dhismo hoos leh, qabriyada laga ag dhiso oo Quraanka lagu akhriyo.

godgal [m.l]
Qof dhintay, habeenka ama maalinta ugu horreysa ee uu qabriga u hoyd.

godgal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
1. Qof dhintay, qabri u hoyasho. 2. U g.: wax sababtiisa awgeed u dhim.

magguur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Xabaal; qabri. 2. Dhis, qof jabay oo dhaqdhaqaaqa loo diidayo lagu fariisiyo ama lagu xiro.

maqbaro [m.dh]
1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.

munkar [m.l]
1. (dii.) Magac guud oo kulmiya falalka Eebbe addoomihiisa ka xaaraantiimeeyey oo dhan. 2. (dii.) Labada malag ee dadka dhinta qabriga wax ku su'aala midka aan Nakiir ahayn.

nacash [m.l]
1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. ld naxash. Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg