qallal
(m.l)1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.
qallal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)1. Wax qoyanaa engegid. 2. Qof sarco qaba suuxid. 3. Xubin jirka nafleyda ka mid ah hawl gabid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallal ↴
jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu
shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo
lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
jaawe [m.l]
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
biif-abaar [m.l]
Badar biyo lagu bilbilay oo weli qallalan.
birre [m.l]
1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
dabayl [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.
dabaylee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
dabeyl-kulul [m.dh] (-lo ..., m.l)
(juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
damal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.