qallalan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)1. Wax qoyanaa wax engegay ahaansho. 2. Xubin jirka nafleyda ka mid ah wax hawsheedii gabtay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallalan ↴
jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu
shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo
lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
biif-abaar [m.l]
Badar biyo lagu bilbilay oo weli qallalan.
dabeyl-kulul [m.dh] (-lo ..., m.l)
(juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
damal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.
dambasyaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo.
dhamal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-llo, m.dh)
Jirrid weyn, qallalan oo la shito.
dogob [m.l] (-byo, m.dh)
Jirrid weyn oo qallalan. ld degeb.
dun [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: caws qallalan oo weli daaq ku habboon.
falfalliir [m.l]
1. Digir dubkii laga qaaday oo aad loo kariyey. 2. (m.u) Jeexjeexa qori qallalan yeesho.
qallal [m.l]
1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.
qallal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax qoyanaa engegid. 2. Qof sarco qaba suuxid. 3. Xubin jirka nafleyda ka mid ah hawl gabid.