qalliin
(m.l)

Wax qalid.

qalliin
(m.l)

(daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku saabsan xirfadda qalliinka dhaawaca, qaabdarrada xubnaha iyo cudurro kale.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalliin

daabax [m.l]
1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabaxid, dabaax, dabax, dibaax, dubaax

bisturi [m.l]
(daaw.) Middi yar oo takhtarku u isticmaalo qalliinka, lehna af qalloocan ama af toosan.

bogdoox [m.l]
1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.

dawo-suuxin [m.dh] (-ooyin suuxinta, m.l)
(daaw.) Dawo yareysa ama baabi'isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid.

jeermisdile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. (daaw.) eeg caabuqtire. 2. (daaw.) Daawo disha ama dhaqda jeermiyada waxaana loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo qalabka qalliinka iyo qalab kaleba.

kookeyn [m.dh]
(daaw.) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.

madhalennimo [m.dh]
(daaw.) Awoodid la'aan ilmo dhalidda oo ka timaadda ama bacrin la'an ama qof dhali karey oo qalliin lagu sameeyey oo si ula kac ah ama aan ula kac ahayn wax u gaareen mid ka tirsan xubnaha taranka. ld madhaleysnimo.

qooraggoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-gooyay, -goysay)
1. Dheddig dhali waayey ilmagaleenkooda qalliin ku sameyn. 2. Si cadaawad leh u dagaalamid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg