qaloon
(m.l)

1. Maseggo, galley, digir iwm oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaloon

baalcad [m.l]
1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas.

dube [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iwm; qaloondub. ld dubaale.

qaloondub [m.l] (-byo, m.l)
Dube.

qaloonfirdhis [m.l]
Hab loo ducaysto oo salool afarta jaho loo firdhiyo.

qalo [m.l]
Hal neef oo baadi ah.

qalo [m.dh]
1. Dareen ku dhasha nafleyda marka ay taagan yihiin meel aysan hore u joogi jirin ama ay la kulmaan dad aysan aqoon. 2. Q. ah: neef baadi ah oo xoolo uusan aqoon u tegay.

qalo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ashay, -alatay)
Si loo cuno xoolo gowracasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg