qalow
(m.l)Dhul korkiisa dhagax ku simanyahay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalow ↴
neefqalow [m.l]
Dhowr neef oo ari ah oo midba mar lumay.
qalowle [m.l]
1. Geel aan irmaan ahayn. 2. Cunto aan idaan lahayn.
qalowlee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
1. Neef irmaanaa caanihii ka dhammaasho; gurid (geel) 2. Hilib qalowle ka dhigid.
qalowleyn [m.f.dh]
eeg qalowlee.
qal [m.l] (-lal, m.l)
Labada fuq ee afka middood; daan.
qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg