qandho
(m.dh)1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo.
qandho
(m.dh)(daaw.) Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37° C.
qandho
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-oday, -otay)Cid jirro ku dhicid. ld qandhoo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qandho ↴
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
qaandhaw [m.l]
1. ld qaandhebid, qandhow 1. Bixinta qaan laysku lahaa layska baxsho. 2. Kabarray.
qaandhebid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaandhaw². ld qaandhaw¹, qandhow.
burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.
catatar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: qandho kulul.
duumo [m.dh]
(daaw.) Cudur qandho qabow iyo kulayl isugu jirta leh oo dadku ka qaadaan kaneecada nooceeda dheddig.
furuq [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.
gudbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
holac-qabsiinood [m.l] (-cyo .., m.dh)
(daaw.) Jirrada ama h. q. oo astaanta ugu horreysa ay tahay uur xanuun dhinaca midig ee hoose. Waxaa weheliya, sida badan, matag iyo qandho.