qaniinyo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Ilkaha oo si xoog leh wax loogu qabto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaniinyo

cawaggud [m.dh]
Nooc quraanyada ka mid ah, gudguduudan, koox-koox u socota, qaniinyo kulul oo habeenkii socota.

cun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.

dhaabalo [m.dh]
1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo.

dheertaxaniinyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. ld dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.

dhuxulkurreeb [m.l]
1. Jirac qaniinyo kulul. 2. Jaad dibaqallooca ka mid ah oo yar oo qaniinyo kulul.

gelmi [m.l]
Cayayaan yar oo duusha oo qaniinyo kulul oo dhuurida u eg. ld kelm.

golqaniinyo [m.dh]
Qaniinyada gosha laga qaniino hal irmaan si loo liso.

laxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(c.nafl.) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.

surmo [m.dh]
1. Qaab awrta qooqani u dagallamaan oo ah luqun isku marid iyo qaniinyo; daro. 2. (-ooyin, ml.) Dhiil yar oo caanaha lagu shubto. 3. ld surin.

qaniin [m.l]
Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iwm.

qaniin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg