qanjidh
(m.l) (-dho, m.l)(c.nafl.) Organ soo saara walxo si uu u dhiijiyo. Qanjidhku wuxuu noqon karaa mid weyn, tusaale ahaan: beerka, ama wuxuu noqon karaa mid yar; qanjidh dhidid. ld qanjir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qanjidh ↴
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
unug-dareen-dhaqaaq [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.
baankariis [m.l]
(c.nafl.) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyo-tobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.
candhuuf [m.dh]
(c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada.
dheecaan-gaastarig [m.l]
(dhecaanno ..., m.dh) (c.nafl.) Iskujir asiidhan oo ka kooban cusbooyin aan orgaanik ahayn, haydarookoloorik asiidh, iyo insaymyo dheefshiid. Tusaale ahaan: bebsin, oo ay soo saaraan qanjidho ku safan calooshu.
dub [m.l]
(c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
endoorfiino [m.l]
(baay.) Dareen-mootiye bebtoyd ah oo laga helo qanjidhka bituwitary iyo haybutalmaska, kaasi oo leh astaamaha kaar jebiyaha.
habdhis-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l)
(baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada.
laba-iyo-tobanle [m.l]
(c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.