qanjirbarar
(m.l)

Qanjirka oo jirro awgeed barara. ld qanjirabarar.

qanjirbarar
(m.l)

(daaw.) Halaamacoodka qanjirrada liinfada kuwaas oo barara, xanuun yeesha ayna adkaadaan xaaladaha qaarkood waa hallaamacood muddo dheer (cronica) sida qanjibararka ka yimaada cudurka qaaxada, inta badanse waa cudur muddo gaaban (acuta) oo ku kooban meel jirka ka mid ah oo u dhow addin dhaawacan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qanjirbarar

linfogaranuloomo [m.dh] (-mooyin, m.l)
(daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada oo uu keeno kalaamiidiya; wuxuuna ku badanyahay dalalka cimilada kulul leh. Nabarka ugu horreya oo ku dhaca (cawrada) xubnaha galmada waxa weheliya qanjirbararsarcada, xididdada liinfada ee ku yaal xubnaha galmada way xirmi karaan taas oo keenta adkaansho maqaarka meeshaas.

qanjirabarar [m.l]
ld qanjirbarar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg