qaraab
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Miro, xabag iwm. oo duurka ka baxa oo la cuno. 2. Hunguri, lacag iwm aan la shaqeysan oo meelo laga soo shaxaado.

qaraab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

Soo q.: 1. Miro, xabag iwm duur ka doonid. 2. hunguri, lacag iwm la shaqaysan meelo ka shaxaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaraab

caa'ilo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-ooyin m.l)
Qoys, qaraabo. qoys, qaraabo

haawey [m.dh]
Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.

xabkayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.

aanayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).

arah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rhay, -rahday; -rhi)
Dad in ay soo gurtaan qaraab miro, xabag, caws iwm u safrid; arahdoon. ld arahdoon².

bahayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.

casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.

cid [m.dh] (-do, m.l)
1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tus. “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer.

dabraac [m.l]
1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iwm hadba mid la cunteeya. 2. ld dabraacid.

dagaaltoleed [m.l]
Dagaal dhex mara dad qaraabo ah; dagaalsokeeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg