qaraar
(m.l) (-rro, m.dh)1. Dhadhan aan macaanayn. 2. Go'aan. 3. Maseyrka laga maseyro cid waxay haysato. ld xaraar.
qaraar
(m.l) (-rro, m.dh)(taar.) Go'aan rasmi ah, ee ka soo baxa boqor, boqorad ama madax kale.
qaraar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Cid wax ay haysato ka masayrid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaraar ↴
maaleeyo [m.dh]
1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.
naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
ashqaraar [m.l]
1. Yaab weyn; amakaag. 2. ld ashqaraarid.
ashqaraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Yaab weyn iyo fajac la kulmid.
ashqaraari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid ashqaraar ku ridid.
ashqaraarid [m.f.dh]
eeg ashqaraar². ld ashqaraar¹ (2).
ashqaraarin [m.f.dh]
eeg ashqaraari.
bayaan [m.l]
1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.
burgaanti [m.dh]
Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.
dacaree [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid.