qaran
(m.l) (-ammo/-nno, m.dh)1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaran ↴
yadan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-mo/-nno, m.dh)
Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.
bandiirad [m.dh] (-do, m.l)
Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.
boqor [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin madax u ah tol ama qaran oo xakunkiisu dhaxaltooyo yahay. 2. Maro dhuuban, dheer, qurux badan, dacallada bul ku leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. 3. B. ah: neef riyo ah oo dhexda midab ku leh.
boqorad [m.dh] (-do, m.l)
Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.
dawlad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dal, dad ku noolyahay, leh calan iyo xuduud caalamku u aqoonsanyahay. 2. Inta haysa maamulka sare ee qaran. ld dowlad.
hanqaran [m.l]
ld hanqaarmid.
hanqaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
ld hanqaaran².
hantiwadaag-dawladeed [m.l]
(siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.
jinsiyad [m.dh] (-do, m.l)
Dhalasho qaran ee cidi leedahay.
qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.