qaras
(m.dh)

1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaras

burgaanti [m.dh]
Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.

cabbane [m.l]
Geed saliiddiisa la isku qaras falo.

caliqabsade [m.l]
Nooc cayayaanka ka mid ah, soo baxa waqtiyada qabowga, lehna dhacaan laysku qaras falo.

dacar [m.dh]
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.

dacarbax [m.l]
Bixidda caloosha qaras ku jirta ay ka baxdo.

dacarbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Calool ama xiidmo qaras ku jirtay, ka bixid.

dacarbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Calool ama xiidmo, qaras ku jirtay ka saarid.

dacarfaal [m.l]
Qaadashada dawo iwm si ay caloosha qarasta ku jirto uga saaranto; qarasfaal. ld dacarfaalid.

dacarfaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Caloosha si qaras ku jirto looga saaro, daawo iwm qaadasho. ld dacarfal².

dallaal [m.l] (-llo/-liin, m.dh)
1. Qof shaqadiisu tahay in uu dadka wax u kala iibiyo. 2. Hantida qof dadka wax u kala iibiya qarash ahaan u qaato. ld dillaal¹, dullaal¹.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg