qardo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Dhul keyn ah oo aan waddo lahayn. 2. Miro aan weli bislaan. 3. Wax amaah ahaan loo qaato.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qardo

qardoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
1. Miro aan weli bislaan cuniddooda ku jirrasho. 2. Socod, fardo-fuul iwm ku jiiro-go'id.

qardoobid [m.f.dh]
eeg qardow².

qardood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg qardoo.

qardoofee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Cid dhaawac aan weynayn gaarsiin. 2. Cid hadal qadaf ah ku dhigid.

qardoofeyn [m.f.dh]
eeg qardoofee.

qardoofo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhaawac aan weyneyn. 2. Hadal qadaf ah.

qardow [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Murmurux ama jiirago'salka iyo cajirrada ka gaara qof aan fardafuul ahayn ama ka raagay, in mudda ah markuu gammaan ama rakuub fuushanaado.

qardow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof gammaan ama rakuub in muddo ah saarnaa cajirrada ka murxid ama jiira-go'id.

xasiigin [m.dh]
Miro yicibeed oo aan bislaan qardo ah.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg