qaree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyey, -raysay)1. Qar u yeelid (weel). 2. ld qiree.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaree ↴
qarayn [m.dh]
eeg qaree. ld qirayn.
qareemid [m.f.dh]
eeg qareen².
qareen [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dad dhalashadoodu isu dhowdahay; xigto. 2. Qof gar yaqaan ah oo dadka u dooda.
qareen [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eemay, -eentay; -eemi)
1. U q.: gar yaqaan cid u doodid. 2. U q.: cid u danaanin.
qareennimo [m.dh]
1. Qareen ahaansho. 2. Qaraabo, sokeeye.
qareensasho [m.f.dh]
eeg qareenso.
qareenso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid xigto ka dhigasho.
qarqaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Dhul buuraley ah qardajeexid.
qiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qiro u yeelid. ld qaree.
qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.