qarin
(m.f.dh)

eeg qari. ld qaris.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarin

anqarin [m.f.dh]
eeg anqari. ld anqaris, canqarin.

astur [m.l]
1. Qarinta ceeb ama iin cidi leedahay. 2. ld asturid.

astur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.

cabqarinnimo [m.dh]
Cabqari ahaansho.

caddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro.

canqarin [m.dh]
ld anqarin.

cuul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uulay, -uushay)
Wax hullaab ku qarin (qof).

dabool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”.

daganduug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax qarin. 2. Wax baabi'in.

dambaabas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Wax xogtooda la ogyahay qarin.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg