qaroofan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fnaa, -fnayd)Wax soo qalloocsan noqosho.
qaroofan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-fnaa, -fnayd)Wax la soo qalloocshey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaroofan ↴
idaad [m.dh] (-do, m.l)
1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo. laqanyo
bilcil [m.l]
(bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.
cadaad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(cadaad, m.dh) 1. Geed, qodxo yaryar oo qaroofan iyo xabag macaan oo la cuno leh. 2. Xiddigga lixaha ka dambeeya.
ciddigod [m.l]
Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. ld cinjigod.
dibqallooc [m.l] (-cyo, m.dh)
Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. ld dabaqallooc.
gane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Bir, qori, iwm qaroofan oo wax la sur.
jeerin [m.l]
(bot.) Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.
maxmil [m.l] (-llo/-xaamil, m.dh)
1. Rixli. 2. Bir qaroofan oo yaxaasbadeedka lagu dabo. 3. Maro xariir-madow ah oo tal iyo quraan lagu qurxiyey oo kabcada lagu dado.
qaroof [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax toosan qalloocin.