qarxi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax qarax ku burburin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarxi ↴
waal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.
bambaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc hubka ka mid ah, qaabab kala duwan leh oo wax lagu qarxiyo marka la tuuro. ld bambo, banaano, bombo, bumbo.
dillaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iwm bilaabasho. 3. Wax beryid.
fuuq [m.l] (-qyo, m.dh)
Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
kaddib [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: xabbad qarxi weyday.
kaddibaad [m.dh]
Qarxi waayidda xabbad qori laga riday ay qarxi weydo.
kaddibiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Buntuq aan xabbadaha qarxin cillad awgeed.
keeb [m.l] (-bab, m.l)
Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad. .
qarxad [m.l]
ld qarxasho, qarxid.
qarxasho [m.dh]
eeg qarxo. ld qarxad, qarxid.
qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.